Guddoomiye golaha Shacabka Soomaaliya oo la kulmay guddi loo xilsaaray dilkii ka dhacay degaannada Galmudug

20 June 2019 (Puntlandes) Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa la kulmay Guddi xaqiiqa raadin ah ee uu soo Magcaabey  Madaxweynaha koofur Galbeed Mudane Cabdicasiis (lafta gareen).

Guddigan ayaa soo baaraya dhibaatadii dhowaan ka dhacadey Magaalooyinka Dhoosamareeb iyo koonfurta magaalada Gaalkacyo ee Galmudug , halkaas oo lagu laayey Dad Shacab ah oo aan waxba galabsan.

Guddigan oo  uu horkacayey Wasiirka wasaaradda caddaaladda , ayaa waxaa xubno ka ah Xildhibaanno , Salaaddiin iyo Malaaqyo oo ka soo jeedo degaannada Koofur galbeed.

Puntlandes.com

About The Author