Daawo Video-dhagayso: Xaaf oo sharci daro ku tilmaamay baaqa dowladda Federaalka

20 June 2019 (Puntlandes) Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo maanta ku laabtay caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa ka jawaabay qoraal shalay kasoo baxay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo la xiriiray doorashada Galmudug.

Wasaaradda Arrimaha gudaha Soomaaliya oo qoraal soo saaratay ayaa ugu baaqay mas’uuliyiinta maamul Galmudug inay xilligeedii ku qabtaan doorashada maamulkaas oo ay ku sheegeen 4ta Luly 2019ka.

Xaaf oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Dhuusomareeb ayaa sheegay in Galmudug ay tahay maamul madax-banaan oo aayaheeda ayada un go’aan ka gaari karta.

Daawo madaxweyne Xaaf

Dhagayso waraysi ay la yerelatay VOA


Puntlandes.com

About The Author