Xil. Saleebaan oo si adag uga hadlay AUN Abwaan Sangub oo aas Qaran loogu Sameeyey Itoobiya

21 June 2019 (Puntlandes) Xildhibaan Saleeebaan Maxamuud Xaashi ayaa si adag uga hadlay AUN Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise “Sangub” oo aas Qaran loogu Sameeyey  dalka Itoobiya.

Xildhibaan Saleeebaan ayaa sheegay inay tahay Qaran jab in Itoobiya aas Qaran loogu sameeyo Abwaan Sangub, isagoo ahaa abwaan Soomaaliyeed oo noloshiisa ku soo qaatay difaaca iyo baadigoobka dhulkii Soomaaliay ka maqnaa ama laga haystay.

 

Hoos ka aqriso qoraal uu Xildhibaan Saleeebaan soo dhigay facebook.

Sulaiman Hashi:

GOORMAA DADKII LA ISKU DARAY

Abwaan Sangub in aas Qaran Ethiopia loogu sameeyo waxay iigu muuqataa Qaran jab. Abwaan Soomaaliyeed oo noloshiisii kusoo qaatay difaaca iyo baadigoobka dhulkii maqnaa, in isagoo dhintay maydkiisa astaan looga dhigo inuu ka raalli yahay dhulka Ethiopia haysato waa ayaan darro. Arrintaas khaladkeeda waxaa qaadanaya Madaxda Qaranka Soomaaliya matalaysa.

Horay ayaa Sayid Maxamed taallo JigJiga looga dhisay, horay ayaa Ra,iisal Wasaaraha Ethiopia u sheegay inaan geyska Africa saddex Madaxweyne ka talinayn, horay ayaa Wasaradda Arrimaha Dibedda bayjkeeda lasoo dhigay khariidad dhulka Soomaaliya lagu daray Ethiopia.

Dhacdooyinkaani iskama imaan waxayna u baahan yihiin in indho feejigan lagu eego. Waxaanse jawaab u waayay in Waziiro Somaaliyeed aaskaas ka qayb galaan.

Puntlandes.com

About The Author