Sawirro: Guddiga amniga gobolka Mudug oo ka shiray Amniga gobolka & Dar-Dargalinta Canshuuraha

24 June 2019 (Puntlandes) Xarunta Shirarka Wasaarada Maaliyada Gobolka Mudug ayaa waxaa ka Qabsoomay Shir ay isugu yimaadeen guddiga amniga gobolka Mudug, kaas oo looga Hadlayey Dar-Dargalinta Canshuuraha,Kormeerka Xuduudaha iyo Xaalada Amniga ee Gobolka Mudug.

Shir ay isugu Yimaadeen Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Axmed Muuse Nuur, Taliyaha Qaybta booliska Gobolka Mudug Jaamac Axmed Maxamed, Xisaabiyaha Wasaarada Maaliyada Gobolka Mudug Ismaaciil Cabdinuur Geesey iyo Gudoomiye ku Xigeenka Degmada Gaalkacyo Maxamed Cabdinaasir Cigaal.

Xisaabiyaha Wasaarada Maaliyada Gobolka Mudug ismaaciil Cabdinuur Geesey ayaa ka Warbixiyey Howlagalo ay Ciidanka Canshuuruhu ka sameeyen xuduudaha Gobolka iyo Degmada kuwaas oo ay kula Dagaalamayeen Baabuurta Barmuudeeyah Canshuurta iyo Dar-dargalinta Qaadida Canshuuraha.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug oo isaguna Shirka ka hadlay ayaa warbixiyey Xaalada Amaan ee Gobolka Mudug.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Axmed Muuse Nuur ayaa wasaarada Maaliyada Gobolka Mudug uga Mahadceliyey Kulankan ay soo Qaban Qaabisay isagoona Dhinacyada Amaanka iyo Maaliyada iyaguna uga mahadceliyey Warbixinada ay Xaalada Gobolka ka siiyeen, Gudoomiyah oo Shirka soo Xiray ayaa si adag uga Hadlay Baabuurta Barmuudeeyah ee wadah Qaadka isagoona uga Digay Gudoomiyuhu Darawalada ka shaqeeyah Dowladnimada Gobolka Mudugna ay lid ku yihin Tilaabo Sharciyahnah ay ka qaadayaan Cid kasta oo lagu qabto Barmuudayntaas Amarna ay uqabaan laamaha Amaanka Gobolka Mudug.



Puntlandes.com

About The Author