Daawo Video: Cali Khaliif ”labo la hinjiyaaba waa hunguri kii horrayn jiray”

01 July 2019 (Puntlandes) Cali Khaliif Galayr, xubno ka tirsan Golayaasha Somaliland iyo kuwo horay uga soo shaqeeyey oo shalay shir ku qabtay magaaalada Hargeysa, ayaa ku baaqay in maamulka Somaliland uu shir weyne u qabto beelaha dega gobollada Sool sanaaag iyo Cayn, si loo adkeeyo nabadda iyo midnimada Somaliland, loogana gudbo tabashooyinka beelahaasi ka qabaan maamulka.

Siyaasiga Cali Khaliif Galaydh oo halkaasi ka hadlay, ayaa xukuumadda Muuse Biixi ku eedeeyay in ay ku fashilantay siyaasadeeda dhanka gobolka Sanaag, isagoo ku boorriyay in ay hoos u eegto tabashooyinka beelaha gobolkaasi dega, si hab nabad ah loogu gaaro xuduudaha Somaliland, loona helo Somaliland ay ku midaysan yihiin dhammaan bulshadii dhisatay sida uu hadalka u dhigay.

Shirka ay qabteen Cali Khaliif iyo Cali Cadami oo ay weheliyaan mas’uuliyiin  ka tirsan Somaliland oo u dhashay gobollada SSC, ayaa laga soo saaray war-murtiyeed qodobaysan oo ku baaqaya, in la dhammeeyo tabashooyinka saami-qeybsi ee beelaha deggan gobollada Sool, sanaag iyo Cayn ka tirsanayan Somalilands, si hab nabdoon loogu gaaro xuduudaha Somaliland.

War-murtiyeedka ayaa waxa soo diyaariyay, xubno ka qeyb-galayey shirka oo isku magacaabay Guddiga beelaha Harti-waqooyi, waxaana war-murtiyeedka canaan loogu jeediyay xukuumadda Muuse Biixi oo lagu dhaliilay, in ay ka gaabisay xallinta tabashooyinka ay qaban beelaha deggan SSC.

Daawo hadalladooda


Puntlandes.com

About The Author