RW Sharmarke oo codsaday in 10 maalin dib loo dhigo cod qaadista wasiirada cusub

Raysal Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa warqad u qoray Guddoomiyaha baarlamaanka DFS taasoo uu ku codsanayo in muddo toban beri dib loogu dhigo cod u qaadista wasiirada uu soo magaacaabay.

Sida ay sheegayaan ilo muhiim ah oo ku sugan xafiiska Raysal Wasaare Sharmarke waxaa laga baqdin qabaa in Wasiiradan cusub ay waayaan codka kalsoonida.

Raysal Wasaare Sharmarke ayaa codsigiisa ku sababeeyey sida ay ogaatay Puntlandes in uu soo dhamaystirayo Golihiisa Wasiirada isagoo ku soo daraya 5 Wasiir oo cusub, Wasiiru dawlayaal iyo Wasiir ku xigeeno.

Wixii war ah ee ku soo kordha kala soco Puntlandes.com

Puntlandes.com

 

About The Author