Akhri qoraal: DFS oo ku qasabtay Shirkad shidaal ka baarta in ay ka guurto Puntland

Shirkaddii ka waday baaritaanka shidaalka Puntland ee magaceeda la yiraahdo Red Emperor isla markaana laga leeyahay dalka Australia ayaa ku sheegatay warbixin ay soo saartey inay xiri doonto xafiiskeeda magaalada Bosaso ayna joojisay dhamaan hawlihii Shidaal baaris ee ay ka waday Puntland.

Sababta shirkadu u xireyso xafiiska ay ku leedahay Bosaso ayay ku sheegey ka dib markii ay ku adkaysatey Wasaaradda Tamarta ee dowladda Federaalka Somalia inay lasoo marto heshiisyada shirkadu la gashay maamulka Puntland iyadana ay tahay tan lala macaamilayo ee aysan ahayn Puntland.

Talaabadan oo dhabaaro culus ku ah maamulka Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo marar sii horeysay sheegey inay xor u tahay Puntland heshiisyada dhex mara shirkadaha caalamka ee baara shidaalka  ayaan la ogeyn jawaabta ay mar kale ka bixinayaan Madaxda Dowlada Puntland.

Waxaa xusid mudan in Shirkadani ay gelisay Puntland lacag aad u farabadan iyadoo ay lacagtaasi noqotay hal bacaad lagu lisay. Waxay tani horseedaysaa in aan cid dambe aaminin Puntland lacagna iska gelin.

Akhriso qoraalka

1514

Halkan Riix si aad uga akhriso warbxinta kasoo baxday Shirkada Red Empero oo dhamaystiran

Puntlandes.com

About The Author