Beesha Caalamka oo soo dhoweysay wada hadallada Galmudug

03 July 2019 (Puntlandes) Dowladaha France, Finland, Denmark, Germany, Italy, Poland, Netherland, Norway, Sweden, Switzerland, Turkiga, Ingiriiska, Maraykanka, howlgalka AMISOM, Midowga Yurub Urur Goboleedka IGAD, Qaramada Midoobay iyo saaxiibada Soomaaliya, ayaa waxay si wada jir ah usoo dhoweeyeen wada hadallada Galmudug ka socda kuwaas oo  ku saabsan midaynta Galmudug.

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM ayaa loogu baaqay daneeyayaasha Galmudug inay sii wadaan dadaalkooda ay ugu jiraan ka miro dhalinta wada hadalad si ay u midoobaan Garabyada, korna loogu qaado xasilloonida degaannadaas, taas oo wax tar u leh Dadka halkaa ku dhaqan iyo guud ahaan Soomaaliya.

Dhanka kale qoraalkan ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM ayaan lagu soo qaadin dawladda Federaalka iyadoo uu safar ku joogay labadii todobaad ee u dambeeyey Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kahyre.

Khayre ayaa shaaciyey inuu gogol nabdeed dhigay magaalada Dhuusamareeb ayna doorashada madaxda Galmudug ka dhici doonto halkaas, taas oo ay ka yimaadeen qaybaha kale duwan ee Galmudug marka laga reebo kooxda Ahlusunna oo ka taisa Dhuusamareeb.

Hoos ka akhriso qoraalka oo ku qoran af Indiriis:

 

About The Author