Daawo Video: Wasiirka Arrimaha Gudaha Punland oo eedeeyey RW Khayre

11 July 2019 (Puntlandes) Wasiirka Arrimaha gudaha dawladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad ayaa ku eedeeyay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya in uu diiday jadwalkii ay u diyaarisay Puntland xilli uu shalay galab booqday waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee Puntland.

Daawo eedaynta Dhabancad

Dhabanacad ayaa waxaa uu sheegay in isaga iyo wasiiro kale ay Garowe uga tageen sidii Ra’isal wasaaraha ugu soo dhaweyn lahaayeen Gaalkacyo qeybteeda Waqooyi.

Wasiir Dhabancad ayaa sheegay in RW Khayre uu u dhaqmay si mas’uuliyad darro ku jirto uuna ka doortay soo dhoweyntii ay ugu talogaleen inuu dhex galo dhalinyaro.

Wasiir DhabanaCad ayaa xusay in Isimada iyo waxgaradkii ay u diyaariyeen soo dhaweynta Ra’isalwasaaraha ay ka raalli gelinayaan waxa dhacay.

Daawo sidii Khayre loogu soo dhaweeyey waqooyiga

Khayre ayaa ku sugnaa magaalada Gaalkacyo qeybteeda Koofureed isagoo halkaasi u yimid safar uu ku sheegay inuu ku dhisayo maamulka Galmudug,waxaana uu halkaas kula kulmayay Bulshada ku nool xaafadaas.

Puntlandes.com

About The Author