Khilaafkii Guddoonka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare oo xal laga garaay

13 July 2019 (Puntlandes) Kaddib Kulan saacado badan qaatay oo xalay ay Muqdisho ku yeesheen Guddoonka Baarlamaanka Federaalka ee labada Aqal ayaa lagu soo afjaray khilaafkii siyaasadeed ee u dhaxeeyay, kaasoo sabab u noqday inuu hakado wada shaqeyntii labada Gole.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo uu wehliyo Kuxigeenkiisa 1aad C/weli Ibraahim Muudeey, Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo uu wehliyay Kuxigeenkiisa 1aad Abshir Bukhaari.

Labada Guddoomiye ayaa markii uu soo dhamaaday kulanka ay qabteen shir jaraa’id oo wadajir ah, waxaana ugu horeyn hadlay Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo sheegay in shirka laga soo saaray in laga gudbo wixii cabasho ahaa ee labada aqal dhexdooda ahaa, isla markaana dib loo soo celiyo wada shaqeyntii labada Aqal.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dhankiisa sheegay in maadaamaa dalka uu doorasho u diyaar garoobaayo, isla markaana labada aqalba ay horyaalaan shuruuc muhiim ah lagu heshiiyay horumarinta iyo dar dar gelinta wada shaqeynta labada dhinac,

Sidoo kale waxaa uu sheegay in la isku afgartay in la sameeyo xeer hoosaad labada aqal ka dhaxeeya iyo sidoo kale dhisida guddiga adeega Baarlamaanka.

Tallaabada labada Guddoon ay iskood ugu go’aansadeen in la soo afjareen khilaafkooda ayaa ku soo aadaya, xilli dhowr jeer oo hore lagu guuldareystay dadaalo la doonayay in lagu xaliyo khilaafka u dhaxeeyay, waxaana dadaaladaas qeyb ka ahaa Madaxweynaha.

Dad badan ayaa aaminsan in isu soo dhowaanshaha Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka in saameyn ku yeelan karo Madaxtooyada iyo Xukuumadda oo la rumeysan yahay inay qaateen qeybo ka mid ah doorarkii Labada Gole ee Baarlamaanka.

Puntlandes.com

About The Author