Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka hadlay sababta ka dambeysa dib u dhaca doorashadii Galmudug

23 July 2019 (Puntlandes) Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa ka hadlay dib u dhaca ku yimid doorashooyinkii la filayay inay ka dhacaan Galmudug, wixii ka dambeeyay 4-ta July ee bishan oo ku ekeyd muddo xileedkii Maamulka ee soo bilowday sanadkii 2015, xilligaasoo si rasmi ah Cadaado lagu dhisay Maamulka Galmudug.

Wareysi uu siiyay Laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa waxaa uu kaga hadlay safarka Ra’iisul Wasaaraha ku joogo Galmudug, caqabadaha jira iyo arrimaha la xiriira dadaalka dib loogu dhisayo Maamul lagu mideysan yahay.

“Ra’iisul Wasaaraha muddo ayuu joogaa, dadaal badan waa sameeyay, wuxuu arkay dhaqankii, dadkii iyo culimadii, meel walbana waa tagay degmo iyo tuulo, waxaa uu ku guuleystay in deegaanka iyo maamulka la isku soo dhoweeyo, horayna loo socdo”ayuu yiri Wasiir Cabdi Maxamed Sabriye.

Waxaa uu sheegay in saddex arrimood la go’aansaday in wax laga qabto oo haatan howsheeda socoto sida Ciidamada la qarameeyay ee Ahlusuna iyo amniga magaalada Dhuusamareeb, dib u heshiisiinta iyo arrinta doorashooyinka .

Mr Sabriye ayaa ku sababeeyay waxa keenay dib u dhaca doorshada in muddo bil laga shaqeeyay in dadka la isku soo dhoweeyo, isla markaana dhibaatada jirtay, khilaaf iyo waqtiga oo dhamaaday ay dowladdu go’aansatay in wax laga qabto.

Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa muddo bil ku dhow ku sugan Galmudug, isagoo ku guda jira dadaalada lagu dhisayo Maamulka Galmudug oo weli ay caqabado ka jiraan, kaddib markii qaar ka mid ah beelaha dega Galmudug ay salluugeen qaabka Ra’iisul wasaaraha wax u wado.

Puntlandes.com

About The Author