Musharaxiinta Jubaland oo ku dhawaaqaya Gudigga Doorashoyinka Jubaland

27 July 2019 (Puntlandes) In badan oo ka mid Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Jubbaland ayaa ku dhawaaqay in ay sameysan doonaan guddi doorasho oo ka madax banaan kan Axmed Madoobe magacaabay ee Shaqada doorashadda ku howlan.

Musharaxiinta ayaa waxay ku eedeeyeen Gudigga shaqada wada in ay sameynayaan eex oo ay taageerayaan kaliyah Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Guddiggaan doorashooyinka Jubbaland ayey ku sheegen in dhammaan ay kasoo horjeeddaan Odayaasha dhaqanka Jubbaland, islamarkaaana ay soo xuleen Odayaal aan sax aheyn.

Puntlandes.com

About The Author