Sawirro: Wajigii sadexaad ee dhismaha wadada laamiga ah ee dhex marta Burtinle oo la bilaabay

27 July 2019 (Puntlandes) Wajigii sadexaad ee dhismaha wadada laamiga ah ee dhex marta magaalada Buurtinle ee gobolka Nugaal ayaa saaka dib loo bilaabay.

Wadadan ayaa waxay bulsha iyo maamulka Buurtinle waxay ku dhisayeen si iskutashi bulsho ah.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa mar uu booqday Buurtinle waxa uu balan qaaday inay gacan ka gaysan doono dhismaha wadadan, waxaana iminka la gudo galay dhismaha 1km oo uu madaxweynuhu kaga qayb qaadanayo.


Puntlandes.com

About The Author