Daawo Video: Baadiyow “Yaan la siyaasadeyn shirka dib u heshiisiinta Galmudug”

31 July 2019 (Puntlandes) Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug Dr. C/raxmaan C/llaahi Baadiyow ayaa ku baaqay in aan la siyaasadeyn shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug ee lagu wado in 5-ta bisha soo socota ee Agosto inuu ka furmo magaalada Dhuusamareeb.

Dr. Baadiyow oo isaga iyo xubnaha Guddigiisa ay shalay dib ugu laabteen magaalada Dhuusamareeb, kaddib muddo lix maalmood oo ay safaro ku tageen deegaanada Galmudug ayuu sheegay in si wanaagsan ay u soo dhoweeyeen qeybaha bulshada ee deegaanadii ay tageen.

“Muddo lix maalmood ayaa safar ku aheyn deegaanada Galmudug, aad ayaa naloo soo dhoweeyay qeybaha kala duwan ee bulshada, waana u mahad celineynaa odayaasha dhaqanka, culimada, dhalinyarada, aqoonyahanada iyo haweenka”ayuu yiri C/raxmaan Baadiyow.

Waxaa uu sheegay in deegaanadii ay tageen ay ka jireen tabashooyin badan, isagoo xusay in tabashooyinka ay kala duwanaayeen, kuwo beelaha dhexdooda ah iyo kuwa laga qabo maamulkii hore.

“Meel kasta tabashooyin ayaa ka jiro, kuwo beelaha dhexdooda ayaa tabasho qaba, qaar maamulkii hore ayay wax ka tabanayaan, qaar amniga goobta shirka ka dhacayo, tabashada wey badan yihiin, waxaas oo dhan marka la isku daro farriinta aan u sidno waa wax kasta waxay ka dhaxeysaa reer Galmudug in shirka ay ka soo qeyb galaan beelaha ka soo qeyb galaan, wixii tabasho halkaas ku xaliyaan, dib u dhiska dowladnimada looga shaqeeyo”ayuu yiri Mr Baadiyow.

Puntlandes.com

About The Author