Sawirro: Guddoonka Labada Gole ee BJFS oo ka qaybgalay fadhigii Golaha Wakiilada Dowladda Puntland (muuqaalo)

31 July 2019 (Puntlandes) Guddoonka Labada Gole ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qaybgalay fadhigii  Golaha Wakiilada Dowladda Puntland.

Kulanka oo ay ujeedadiisu ahayd soo dhoweyn iyo is xog waraysi guud iyadoo xubno ka tirsan Golaha Wakiillada DPL ay su’aalo waydiiyeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Aqalka Sare.

Guddoonka Labada Gole ee Federaalka iyo Guddoonka Baarlamanka Puntland ayaa ugu dambeyntii kormeer ku sameeyeen Xafiisyada kala duwan ee Golaha Wakiillada DPL.




Puntlandes.com

About The Author