Kooxda Aaran Jaan oo guuldaradii u horaysay kala kulantay dawladda Deni

SAMSUNG CAMERA PICTURES

15 August 2019 (Puntlandes) Agaasimaha machadka SIDRA Guuleed Saalax Barre, oo isla markaasna wasiir kasoo noqday dawladdii Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, lana ah saaxiib dhow madaxweynaha dawladda Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa wuxuu ka mid ahaa 4 xubnood ee Guddiga Doorashada Puntland oo uu gudoomiyaha Baarlamaanka dawladda Puntland shalay soo mgacaabayey.

Madaxweyne Deni ayaa oo doonayey inuu Guuleed uu ku daro guddiga doorashada isla markaasna uu noqdo gudoomiyaha guddiga ayaa waxaa ka hor joogsaday inuu ku daro 5ta xubnood ee uu madaxweynuhu soo magacaabi lahaa kooxda xagjirka ah ee Aaran Jaan oo garwadeen ka ah dawladdiisa.

Guuleed ayaa markii uu garwaaqsaday inuusan guddiga kasoo geli karin dhanka madaxweynaha ayna hor joogsadeen Aaran Jaan waxa uu u wareegay dhanka gudoomiyaha  Baarlamaanka, isagoo uu gudoomiyuhu shalay magacaabay.

Magacaabistan ayaa ku ah kooxda guuldaradii ugu horaysay ee ay kala kulmaan dawladda ay garwadeenka ka tahay ee uu hogaamiyo madaxweyne Deni, iyagoo aad uga horjeeday inuu Guuleed guddiga ka mid noqdo iyo inuu hogaamiyo guddiga doorashada.

Kooxda Aaran Jaan ayaa waxay isku diyaarinayaan inay marka ay dhamaystaan 5ta sano ee ay Deni la xukumaan Puntland inay iyagu la wareegaan kursiga madaxtinimada Puntland.

Waxaa iswaydiin leh Aaran Jaan ma ku horjoogsan doontaa Guuleed Baarlamaanka Puntland oo ay tahay inuu ansixiyo guddiga?

Puntlandes.com

About The Author