Madaxweyne Gaas oo Canshuurtii ku filaanwayday iminkana u soo jeedsaday in uu gato Dhulalkii ummadda ka dhaxeeyey

Gaalkacyo (Pes) Todobaadkan bilowgiisii waxaa Aroor hore ka dulkacay dadkii masaakiinta ahaa ee ku noolaa Xeradii Inji ee magaalada Bosaso ciidamo hubaysan iyadoo si xoog ah loo dumiyey Guryihii dadkaas masaakiinta ah ay ku noolaayeen

Hoos Ka Daawo Qaabkii loo agagaxgeliyey dadkaas masaakiinta ah.

Waxaa wax laga argagaxo ah in dadkaas loo barakiciyey in la gato dhulkaas ummadda ka dhaxeeya ayna gasho lacagta laga helaa jeedka dad gaara. Isagoo uu madaxweyne Gaas uu ku jiro lacag uruursi waalan oo uusan waxbaba reebayn.

Wararka ay helayso Puntlandes.com ayaa sheegaya in uu madaxweyne Gaas Dulaaliin diray laba bilood ka hor kuwaas oo soo qiimaynaya dhulka lacagta laga heli karo haddii la gado. Waxayna Dulaaliintii u keeneen in lagac aad u badan laga helayo laba meelood oo tan koowaad tahay Xerada Inji ee ku taala magaalad Bosaso ayna deganaayeen dad masaakiin soo barakacay ah iyo Xero kale oo ku taala magaalada Gaalkacyo oo Dulaaliintu Gaas u sheegeen in uu lacag aad u badan ka helayo.

1320

Waxaa dad badan oo aqoonyahano ah ka degi la dhaqanka shacabka reer Puntland oo wixii la rabo laga yeelayo. Marka koowaad Dawlada uu hogaamiyo madaxweyne Gaas waxay aad u kordhisay canshuurtii iyadoo xataa u dhacday Iskuuladii. Kororkaasi ma keenin waxqabad ee waxaa dhacday in Mushahaarkii ay bixin jireen Xukuumadihii ka horeeyey iyagoon kororsan canshuurta aysan bixin Xukuumada Gaas mudo 8 bilood ka badan.

Waxaa iswaydiin mudan xagay Canshuurtii dadka laga qaaday ka baxday? Dabcan Gaas iyo Kooxdiisa u hanqal taagaya 2016 iyo Xamar ayaa jeebka ku shubtay. Hadana waxay u soo jeesteen in ay Gadaan wixii gadmi kara oo ay lacag ku helayaan?

1079

Shacabka samaha jecel ee reer Gaalkacyo waa in ay difaacdaan dhulka ka wada dhexeeya oo Gaas oo soo dirsaday ”Qaswadayaasha” Mudug uu qorshaynayo in uu gato xoogaana u tuuro Qaswadayaasha Mudug ee caadaystay jahawareerinta Shacabka.

Puntlandes.com

 

 

 

About The Author