War deg dega: Xog ku saabsan Qaraxii shalay Gaadayare lala beegsaday Magaalada Gaalkacyo

Gaalkacyo (Pes)  Xisaabiyaha Guud Wasaarada Maaliyada Gobalka Mudug ahna Xisaabiyaha ”Idman” isla markaasna afduubka ku haysta Gobolka Mudug iyo xaruntiisa Gaalkacyo Mr Ina Cali Yusuf (Gaadayare) oo waqtiyadan dambe ka shaqaynayey iska horkeenka shacabka walaalaha ah ee Gobolka Mudug, Amnixumo, Khal-khal siyaasadeed iyo jahawareerin shacabka ayaa wuxuu soo abaabulay qorshe qar iska xoor ah. Qorshahaas oo dadka indha-indheeya ama odorasa arimaha Gpbolka Mudug ay ku tilmaameen mid aad u halis u ah laakiin uu noqondoono mid uusan ku guulaysan ee uu noqondoono kii uu ku wayn lahaa Joogitaanka uu joogo GAADAYARE magaalada Gaalkacyo.

1371

Maalinkii shalay warbaahinta qaar waxay qoreen in uu GAADAYARE ka badbaaday isku day dil. Iyadoo la doonayey in lagu qaarajiyo qarax lala beegsaday gaarigiisa xilli uu xafiiskiisa ku sii jeeday.

Warbaahinta madaxbanaan ee Puntlandes.com ayaa heshay xog ku saabsan ”qaraxa” GAADAYARE lala eegtay shalay. Waxayna Xogtu oo ah mid xaqiiq ah Puntlandesna ka soo xigatay ilo lagu kalsoon yahay oo ka agdhawaa markii uu dhacayey wixii GAADAYARE ugu yeeray ”Qaraxa” ay sheegtay in nin ka mid ahaa Mr GAADAYARE ilaaladiisa uu Bam gacmeed ku tuuray meel u dhow meeshii uu marayey Gaadayare iyadoo sida xogtu sheegayso ay Gaadayare u qorshaysnayd in uu dusha ka saaro Beel ka mid ah Beelaha aadka u tunka wayn Gobolka Mudug.

Haddii uu ku sii adkaysto GAADAYARE qorshahan guracan waxaa lama huraan ah in ay horseedi doonto cawaaqibxumo uu ka shalaayo GAADAYARE iyo Kooxdiisa caadaystay ka shaqaynta falalka xun-xun.

GAADAYARE wuxuu laga soo bilaabo sanadkii 1999 soo ahaa xisaabiyaha xafiiska Wasaarada Maaliyadda Puntland ee gobolka Mudug.  Isagoo aysan jirin cid la xisaabtanta wuxuu doonana ku sameeya canshuurta shacabka gobolka Mudug laga qaado. Laakiin Soomaalida waxay tiraahdaa ”Cagtii joogsan waydaa marbay ceeb la kulantaa”  ….GAADAYARE waxaan ceeb ahayn kama raacayso been abuurka uu wado iminka.

Puntlandes.com

About The Author