Akhriso Ahlusuna oo ka hortimid in Ciidamo AMISOM & CXDS la keeno Dhuusamareeb, sheegtayna in shirku baalmarsan yahay… (muuqaal)

23 August 2019 (Puntlandes) War murtiyeed ka soo baxay Golaha Sare Ahlusuna Wal Jameeca uuna ku saxiixan yahay Hoggaamiyahooda Macalin Maxamuud ayaa looga soo horjeestay in Ciidamo AMISOM iyo Ciidamo Soomaaliyeed la keeno magaalada Dhuusamareeb.

Waxay sidoo kale Ahlusuna sheegftay in shirka Dib u heshiisiinta Galmudug ee ay ku baaqday DFS uu yahay mid baalmarsan habraacyadii saxda ahaa, maamulkiisana gacanta loo geliyay dad aan xog ogaal aheyn.



Puntlandes.com

About The Author