Madaxweynihii 3aad ee Jubaland oo Kismayo lagu doortay

23 August 2019 (Puntlandes) C/naasir Seeraar Maax ayay maanta Taageerayaashiisa ku dhawaaqeen inay Madaxweyne u doorteen, iyadoo Golihii badbaadada iyo is bedel doonka Jubaland ay labo garab noqdeen, isla markaana doorteen labo Madaxweyne.

Hoyga uu ka degan yahay C/naasir Seeraar ayay ka dhacday doorashada labaad oo Mucaaradka ay qabteen, kaddib markii shalay ay sidan oo kale Madaxweyne ugu doorteen C/rashiid Maxamed Xidig.

Tani ayaa ka dhigan in Jubaland ay mar kale faraha la gashay xaalad siyaasadeed, isla markaana yeelatay saddex madaxweyne.

C/naasir Seeraar ayaa horay u ahaa Afhayeenkii Maamulka KMG ee Jubaland, Guddoomiyihii 3aad iyo Afhayeenkii Ururkii Raaskambooni ee kala qeyb qaatay Ciidamada Kenya howlgaladii Jubooyinka looga saaray Alshabaab.

Xaalada ay haatan ku sugan tahay Kismayo iyo khilaafka siyaasadeed ee ay dhex hoganeyso ayaa la mid ah sida tii sanadkii 2013, xilligaasoo ay yeelatay in ka badan 5 Madaxweyne oo iskood isu doortay.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa war ay shalay soo saartay ayey ku sheegtay in aysan aqoonsaneyn is caleema saarka aan waafaqsaneyn habraaca dastuurka ee doorashooyinka iyo natiijooyinka ka soo baxay shaqsiyaad ay sheegtay inay is doorteen.

Puntlandes.com

About The Author