R/Wasaare Kheyre oo Beydhabo kula kulmay Safiirro & Wakiilada fadhiya Muqdisho

08 sept 2019 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa kulan looga hadlay wax ka qabashada baahiyha ka jira deegaannada koonfur Galbee magaalada Baydhabo kula yeeshay safiirradda dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya iyo wakiillada hey’adaha caalamiga ah ee fadhigoogu yahay Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo qorshaha socdaalkiisa Koofur Galbeed uu salka ku hayay horumarinta adeegyada bulshada iyo amniga, ayaa safiirrada u sheegay in lagama maarmaan ay tahay in ay qayb ka qaataan qorshaha horumarinta Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo Ra’iisul Wasaare Khayre ku wehliyay kulanka, ayaa soo bandhigay qorshayaasha horumarinta bulshada iyo sida ay lagama maarmanka u yahay taageerada barnaamijyada wax ku oolka ah ee laga filaayo caalamka.

Wakiillada iyo safiirrada kulanka ka qayb galay ayaa Ra’iisul wasaare Khayre ku ammaanay dadaalka uu ugu jiro dib-u-kabashada dalka,waxayna ballan qaadeen in Dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed ay ku taageerayaan qorshayaasheeda horumarineed.

Shirkaan oo ay goob joog ka ahaayeen wasiirro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya,waxaa sidoo kale looga hadlay diyaar garowga shirka iskaashiga Soomaaliya iyo beesha Caalamka oo dhawaan lagu qabanayo Muqdisho.

Puntlandes.com

About The Author