Madaafiic lagu garaacay dhismaha Madaxtooyada Somalia

11 sept 2019 (Puntlandes) Madaafiic xoogan oo Hoobiyayaal ah ayaa goor dhow lagu weearay dhismaha madaxtooyada ee magaalada Muqdisho.

Illaa saddex Madfac ayaa la xaqiijiyay inay ku dhaceen hareeraha Madaxtooyada, mid ka mid ah madaafiicda ayaa ku dhacay agagaarka Safaaradda Itoobiya ku leedahay xeyndaabka Madaxtooyada.

Madfac kale ayaa ku dhacay halka lagu magacaabo Kaambada oo ku dhegan Xarunta Taliska Booliska ee Commando Polizio.

Sidoo kale Madfac kale ayaa ku dhacay Xaafada Caga Dhiig, madaafiicdan ayaa soo dhacay abaarihii xilligii salaaddii duhur, iyadoo laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Mana’ahan markii ugu horreysay oo hoobiyeyaal lagu weeraro dhismaha madaxtooyada Qaranka oo ah oo goob aad loo ilaaliyo.

Puntlandes.com

About The Author