Akhriso: Mooshinka laga lagu diidan yahay Gudoomiyaha Baarlaamnka DFS in uu Gudoomiyo kulanka beri

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shirgudonka Baarlamaanka waxa ay u gudbiyeen mooshin ka dhan ah Gudoomiyaha Baarlamanaka DFS Prof Jawaari oo Lku saabsan in uusan shir gudoomin shirka berito oo la filayo in Baarlamaanka la horkeeno Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya.

Halkan ka Aqriso Nuqul kamid ah Mooshinka ay Xildhibaanada ka gudbiyeen Jawaari oon helnay

“Mudane Gnddoomiye Kuxigeenka 1-aad iyo 2-aad iyo Mudanayaal, annagoo ah Xildhibaanada Magacyadooda iyo Saxeexyadooda uu qoraalkeena ku lifaaqan yahay waxaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ka keenay mooshin ku kalsoonaan la’aanta shir guddoonka Golaha Shacabka ee uu nooga ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS sababo jiro awgood kuwaasoo ah sidan:-

1. Markaan aragnay in aadan siineynin tixgelin haba yaraatee aragtida Xildhibaanada aad kalsoonidooda kursiga ku fadhido

2. Markaan aragnay inaadan hoos u fiirineynin kala qeybsanaanta Siyaasadeed ee ka dhexjirta wakiilada Shacabka adiga 00 xog ogaal dhaba u ah.

3. Markaan darsinay inaad indhaha ka xiratay dhagahana ka fareeysatay in Xukuumad wadaag ah dalka loo dhiso, sida ay Golaha Shacabka JFS ka jeediyeen Madaxweynaha JFS iyo Ra’iisal Wasaarihii au soo magacaabay kolkii kalsoonida Golaha looga dalbanaayey si uu u soo dhiso Ra’iisal Wasaaraha Xukuumad wadaag.

4. Markaan aragnay in aad la wadaagtay Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha inaad lasoo dhisato xukuurnad aad

3-diina wadaagteen, sida aad ka hor qiratay Xildhibaanada kudladaha kulankii aad la qaadateen guddoonkiina ayadoo ay ku hareer fadhiyaan Kuxigeenka 1-aad iyo Kuxigeenka 2-aad taasoo aad si bareer ah ugu hor qiratay waliba adigoo kusii adkeystay in haddii ay kalsooni heli weysana aad kusoo celin doonto xubnihii aad la dhisatay adigoo ku dhiiranaaya mudanayaasha hortooda iyo Kuxigeenada taasoo dhakafaar nagu noqotay daneysiga danihiina gaarka ah 00 aan ka tu$umeynin danta guud iyo maslxada shacabka.

5. Markaan aragnay qodobada qaanuuniga ah sida Dastuurka KMG

Q.65 — F.3aad, iyo Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka Qodobka 9-aad F. 5-aad sababaha iyo awoodaha hay’adaha dowlada adigoo aan dhexdhexaad ka noqoneynin sida aad markasto uga milanto una fiirineynin sida danta, dalka iyo diinta ay ku jirto iyo dhowris la’aanta dastuurka, Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka.

6. Markaan xaqiijinay ka waantoobid la’aanta danahaaga gaarka ah, Ayaan waxaan soo jeedintaan (Mooshin) u keenay in aanan ku kalsoonaan karin shir guddoomintii Golaha Shacabka aan kuu dooranay adigoo ahaa Mudane anaga nala mid ah sidaas daraadeedna maadaama dalka uu maraayo marxalad aad u qalafsan 00 mugdi gelineysa hiigsiga 2016 sidii lagu gaari lahaa dalkana loogu ansixin lahaa xukuumad kasbata kalsoonida Xildhibaanada Golaha Shacabka si ay horay ugu guda gasho howlaha laga sugaayo hey’adda fulinta (Xukuumadda) sidii lagu gaari lahaa hiigsiga 2016 taasoo aysan mudanayaashu ogolaaneyn in ay Madaxda Qaranka soo xusheen cidii danahooda kaliya ugu shaqeyn laheyd una fulin laheyd aragtidooda iyo rabitaankooda kaliya taasoo ah mid aan si wada jira loo wada wajihi Karin, shaki weyna galineysa Muwaadiniinta Soomaaliyeed meel walba oo ay dalka iyo dunida dacaladeeda ka joogaan taasoo ay xaq u leeyihiin inay wax ka ogaadaan meesha 100 socda taasoo ay doonayaan in ay dad qaas kaliya wax og yihiin ama koox gaara ay wax og yihiin ama ay danley ku heshiisay.

Sidaas daraadeed kuma kalsoonaan karno shir guddoonka Golaha Shacabka JFS inta lagu jiro xaaladaan qalafsan waa inaad ka degtaa kursiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS maadaama aad lumisay kalsoonida Xildhibaanada.halka hoose qoraalka oo labo ah ka furo

Puntlandes.com

About The Author