Magaalooyinka waawayn ee Puntland oo Amnigoodu faraha ka baxay

Bosaso (Pes) Xalay waxay Kooxda Al-shabaab weerar lixaad leh ku qaaday Xudunta magaalada Bosaso iyadoo dagaal qaraar uu socday in mudo ah, halkaas oo uu ka dhashay dhimasho iyo dhaawac. Waxaa intaas oo dhan ka ii daran dharbaaxada lixaadka leh ee ay u gaysatay dawladnimadii Puntland iyadoo ay shacabka reer Puntland ee laga qaado Canshuurtana ay u gaysatay niyad jab aad iyo aad u wayn. Maxaa yeelay iminka ma jirto dawlad sugi karta Amnigooda waxaana soo foodsaaratay shacabka wal-wal iyo baqdin ay ka qabaan xaalada siday tahay.

Aduunka meel aan dul-duleel markuu dhaco aan si deg deg ah loo sixin ma jirto Puntland maahee. Maxaa yeelay kuwii u xilsaarnaa sugida Amniga oo ku fashilmay ayaa iyagoo wali xilkoodii haysta intay shacabka soo horfariistaan ku faanaya in ay  dileen labo ka mid ah Kooxdii weerarka soo qaaday iyo wax la mid ah.

1556

Waxaana Dowladda Puntland uga hadlay weerarkii xalay ee Argagaxa geliyey hacabka Bosaso  ee koox ka tirsan ururka Al-Shabab kusoo qaaday Taliye ku xigeenka Booliska Gen.Muxyadiin Axmed Muuse u taalay meel u dhow Hotelka Panaroma ee Bosaso.

Shir jaraa’id oo ay goor dhawayd ku qabteen Bosaso Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, ku xigeenkiisa iyo taliyaha qayta Booliska Bari ayay ku sheegeen weerarkii xalay inay ku dileen labo Al-Shabab ah,saddex kalen ay ku dhaawaceen, sidoo kalena ay gacanta ku dhigeen gaadiid gurmad u ahaa kooxda weerarka soo qaaday.

Saraakiishan waxay sheegeen dhankooda inuu kaga dhintay hal Askari afar kalena o dhaawac fudud kasoo gaaray.

Ma ahan markii ugu horaysay dagaal yahano kooxda mayalka adag ee Shabab ka tirsan kusoo qaadaan magalada Bosaso.

Nimankani waa ay ku fashilmeen wixii loo idmaday waana in ay booska u baneeyaan cid shacabka Amnigooda sugi karta. Haddii kale xaalku in uu sii xumaado maahee kama soo fiicnaanayo. Mana ahan Bosaso oo kaliya ee magaalada Gaalkacyo na Amnigeedu farahuu ka baxay waana in ay masuuliyiinta Gobolka Mudug na iyo laamaha Amniga iyo Kooxda Gaadayarena meesha ka baxaan.

Puntlandes.com

 

About The Author