Amaan Xumida Boosaaso Dowlada C/weli Gaas Ayaa Keentay Run Mise Been ?

Magaalada Boosaaso ee Xarunta dhaaqalaha Puntland waa magaalo weyn oo hadana ah magalada Ganacsiga ugu weyn Puntland waxaana mararka qaar kadhaca falal an marna la rumaysan karin Taas oo ay kamid Tahay dilaal iyo weraaro kala duwan oo ciidanka loo geeytso.

Cabdiweli maxamed Cali Gaas waa Madaxweynaha Dowlada Puntland ee Xilka markuu la waregayeey 8 Jan 2014 wuxuu balan qaaday inuu Amaanka Puntland gacanta ku dhigi doono ,isla markaana uu wax qabad la imaan doono.

Hada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa inta ay xilka hayeen waxaa kasoo wareegtay mudo hal sano ah ,waxaana meesh an looga jeedin wax qabad muuqda oo lagu faano karo ,isla markaana shacabka Reer Puntland ay u jeedi karaan.

Puntland markuu maamulayeey Madaxweynihii Hore ee Dowlada Puntland Cabdiraxmaan Faroole waxay ahayd Meel amaanka uu yahay mid shacabka Puntland ay ku seexdan ,isla markana uu ahaa amaanka Magalooyinka Puntland mid la isku halayn karo marka laga Reebo dhacdooyin an saas u badnayn.

Hadaba Dowlada Madaxweyne Cabdiweli maxamed Cali gaas ayaa noqotay Dowlad Fadhiid ah oo an Habayaraate an waxqabad iska daaye Amaanka uu faraha kasii baxayo Taas oo shacabka Puntland ay ka rajo beleen halka Doorashadii 8 Jan. 2014 Shacabku ay is lahayeen waxaad Heli dontaan Madaxweyne Wax qabad wanaagsan keeni kara isla markaana soo ceiln doona Gobalada Maqan sida sool iyo Sanaag.

Boosaaso Sidaan Horey kusoo sheegnayba waa Caasimada Dhaqaalaha Puntland waxaa ku Taal Dekkad weyn oo dhaqaale Farabadan soo saarta,isla markaasna Canshuur badan ay ka hesho Dowlada Puntland.

Waxaa Jira Dagaal lagula jiro kooxda AL-shabaab ee Buuraha Gal-Gala kujira Ciidamada Dagaalka kujira Al-shabaab ma helaan Mushaar waxaa igu maqaala ah ina aysan helin mudo ku siman 3 bilood wax mushaar ah ,isla markaana an la garanayn halka la geeyo Canshuuraha kasoo xarooda goobaha dhaqaalaha.

Feb 3, 2015 xili habeen ah ayaa kooxda Al-shabaab Waxay werar xoogan ku qaaden saldhiga Baalade oo ah saldhig ay Ciidamada Puntland leeyihin ,isla markaasna lagu xiro dadka Dambiyada Gala ,waxana kadhashay werarkaas dhawac sido kale waxaa la gubay gaari ciidamadu leeyihiin.

Tirada raga werarka geeystay ayeey Saraakisha Amaanka Dowlada Puntland ku shegeen ilaa 26 qof kuwaa soo goobta kabaxsaday hadaba sidee uga baxsadeen goobta ma gari mise lug magaladuse ciidamo wey leedahaye maxaa lasoo qabtay waa Taas mida ay is waydiinayaan shacabka Puntland.

1562

Xalay waxaa sido kale la weraray Bar Kantraool oo ay jogeen Ciidamo Puntland Katirsan,waxaa kadhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo ciidamada loo geeystay ,taasina waxay sharaf Daro ku xukumada Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Shacabka Boosaaso ayaa is waydiya amaan xumida kataagan Magaalada Boosaaso ,iyadoo wakhtigii Xukumadii Faroole ahayd meesha ugu amaan fiican Puntland.

Balse ugu dambeyn dowlada C/weli gaas ayaa noqotay mid lagu Tilmaamo fadhiid oo habayarate xaga wax qabadka an dhaafin Madaxtooyada Garowe ,sido kale Ciidamadii Difaaca Puntland ay ka Cabanayaan mushaar la”aan sido kale Dhaqaalo Daro Puntland ay Kajirto.

Xigasho: Allidamaale.com

Daabacaadii:Puntlandes,com

About The Author