Dhagayso: Madaxweyne Gaas ”Uma baahnin Beesha Caalamka”

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu horkacayey oo shir lagu sheegay DFS iyo dawladaha xubnaha ka ah Federaalka kaga soo qaybgalay magaalada Muqdisho ayaa shalay dib magaalada Garowe ugu soo laabtey.

Ugu horeyn wuxuu si kooban uga warbixiyey ujeedada safarkiisa Muqdisho iyo natiijadii kasoo baxday kulamadii uu lasoo qaatey madaxda DFS iyo dowladaha kale ee federaalka qaybta ka ah. Iyadoo ay hadaladiisii ka mid ahayd hadaanu anaga ”madaxda” ah heshiino Soomaaliduna waa heshiinaysaa.

Isagoo ka jawaabayey su’aal la weydiiyey oo la xiriirtey in shirkii Muqdisho looga wada hadlay heshiisyadii horay u dhex maray Puntland iyo Dowlada Federaalka, ayuu wuxuu Gaas ku jawaabey inuusan Muqdisho u tegin maslaxadda Puntland balse ujeedadu ahayd sidii ay madaxda kale ee dalka ugala soo tashan lahaayeen mustaqbalka siyaasadeed ee dalka iyo weliba qaababka ugu haboon ee dowlada dhexe iyo dowlad goboleedyadu ku wada shaqeyn karaan.

” waxa meesha loo tegey ma ahayn ajande gaar ah oo Puntland leedahay… ” ayuu yiri madaxweyne Gaas.

 

Su’aal kale oo ku saabsaneyd qaabka ay suuragalka ku noqoneyso in dowlada Muqdisho iyo dowladaha kale ee Fedaraalka ka tirsani hal cod kula hadlaan beesha caalamka, wuxuu kaga jawaabey Gaas ”Adeer Somalia Beel Caalam uma taliso, anigu 24 anoo jiraan waxaan noqday Agaasime…… marka adeer in NIN AJENEBI AH uu wax ii yeeriyo oo dhagta wax noogu sheego ka yeelimayno.. uma aanu baahnin anagu iyaga”

Hadalkan uu Beesha Caalamka ee taageerada lixaadka leh u idisa Somalia uu madaxweyne Gaas ku maagay ma aha mid isaga ka yimid ee waa mid ay Dam Jadiid u soo dhiibtay iyadoo uu Cadaadis ka haysto Beesha Caalamka ka dib markii ay morooqsatay taladii dalka kaligeed.

Shirka Xamarna wuxuu ahaa Riwaayad cusub oo ay Dam Jadiid dhigaysay madaxweyne Gaasna Dam Jadiid ayaa isticmaalaysay si ay iyadoo sii dhimanaysa ay nolol u hesho.

Booqashada Cabdiweli Gaas ku tegey Muqdisho ayaa muujinaysa siday madaxweyne Gaas iyo Dam Jadiid isugu milmeen.

Waxaa xusid mudan in uusan madaxweyne Gaas la kulmin Wakiilka gaarka  ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay oo ku sugnaa Muqdisho iyo Wakiilo badan oo ka tirsan Beesha Caalamka oo Soomaaliya ka caawisa in ay dawladnimadeedii la soo noqoto.

Dhagayso madaxweyne Gaas


Sawiro

1563
1564

1565

1566

1567
Puntlandes.com

About The Author