Wasiirka Shaqada Soomaaliya” waxaan ugu yeernay maal-gashadayaasha Qatar inay sahmiyaan fursadaha maalgashi ee Soomaaliya”

28 sept 2019 (Puntlandes)  Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa oo booqasho rasmi ah toddobaadkan u tagey dalka Qatar ayaa ugu yeeray maal-gashadayaasha  Qatar inay sahmiyaan fursadaha maalgashi ee Soomaaliya, kaddib kulan uu Arbacadii  Dooxa kula qaatay guddoomiye ku-xigeenka Rugta Ganacsiga Qatar.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo sida ay xukuumadda iyo maal-gashadayaasha Qatar ay door muuqda ugu yeelan lahaayeen jawiga maalgashi ee Soomaaliya,iyadoo kulanka uu goobjoog u ahaa safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Qatar,Cabdirisaaq Faarax Cali.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Rugta Ganacsiga Qatar,Maxamed bin Axmed bin Towar Al Kuwari ayaa sheegay in shirakaddaha gaarka loo leeyahay ee dalka Qatar ay danaynayaan in la xoojiyo iskaashiga labada dal iyo in la aasaaso iskaashi shirkaddo la wada leeyahay oo dan u ah labada dhinac.

Waxaa kaloo uu hoosta ka xariiqay in shirkaddaha gaarka loo leeyahay ay Soomaaliya ka fulin doonaan mashaariic ballaaraan kuwaasi oo dib loogu dhisayo dalka, isagoo inta ku daray inay qaadan doonaan shaqaale Soomaali ah ,kuwaasi oo fursaddo shaqo ka heli doona dalka Qatar.

Dhankiisa, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, Mudane Sadiiq Warfaa ayaa boggaadiyay iskaashiga dhow ay Qatar la leedahay dowladda Soomaaliya,wuxuuna caddeeyay in ujeeddada socdaalkiisa Qatar uu la xiriiro sidii loo xoojin lahaa xiriirka,soo bandhigidda fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya iyo sidii iskaashi dhow uga yaalen lahaayeen labada dal, kor u qaadidda aqoonta shaqaalaha iyo kobcinta xirfadahooda.

Warfaa, ayaa soo bandhigay fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Beeraha, Xoolaha iyo Kalluumaysiga, wuxuuna ka dalbaday maal-gashadayaasha Qatar inay Soomaaliya ka hirgaliyaan maalgashi shaqooyin u abuuraya dhallinyarada.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, ayaa khamiistii dib ugu soo laabtay dalaka,isagoo muddadii uu booqashada rasmiga ah ku joogay dalka Qatar la kulmay dhiggiisa dalkaas iyo Ra’iisul wasaaraha Qatar.

Puntlandes.com

About The Author