Xaaf oo shaaciyey inuu dib ula soo noqday Mas’uuliyaddiisa Galmudug

30 sept 2019 (Puntlandes) Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ku dhawaaqay inuu dib ula soo noqday wakaalashadii Maamulka Galmudug ee uu bishii July u dhiibtau Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka, si ay u daadihiso geeddi socodka dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka Galmudug.

War saxaafadeed uu soo saaray Madaxweyne Xaaf ayuu ku sheegay in dowladda Federaalka ay muddo 3 bilood natiijo la’aan la taaban karo ka sameyn weyday doorashooyinka.

Xaaf ayaa caddeeyay inuu si degdeg ah u soo magacaabi doono Guddiyo kala duwan oo ka shaqeeya arrimaha doorashooyinka, dib u heshiisiinta iyo xalinta khilaafaadka Galmudug.

Sidoo kale Madaxweyne Xaaf ayaa ugu baaqay Siyaasiyiinta Iyo waxgaradka Galmudug inay dhistaan Galmudug loo dhan yahay.

Hoos ka akhriso war saxaafadeedka.


Puntlandes.com

About The Author