Sawirro: Garowe oo laga Daahfuray Xafiiska Canshuur bixiyayaasha Ganacsatada Waawayn

30 sept 2019 (Puntlandes) Magaalada Garowe ayaa ka dhacay kulanka lagu daahfurayey Xafiiska Canshuur bixiyayaasha Ganacsatada Waawayn

Kulanka ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasiir Wasaaradda Maaliyadda , Wasiirku Xigeenka Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga Wasiir Dawlaha W/Maaliyadda iyo Agaasime Guud Ku Xigeenka Dakhliga iyo Rugta ganacsiga iyo Ganacsatada Waaweyn oo xaruntooda ku taal Caasimadda Puntland.

Kulankaas oo ay isku xog Wareesteen sidii kor loogu qaadi lahaa wada shaqeenta Wasaaradda Maaliyadda iyo Canshuur bixiyaasha Waaweyn ,

Shirkaan ayaa waxaa daah furay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda oo dowladda Puntland, Wasiirka ayaa xusay ahmiyadda uu u leeyahay diiwaan galinta ganacsatada isla markaasna kuna dhiiri galiyay in ay qaataan lambarka Canshuur bixiyaasha oo uu qeyb ka qaadanayo horumarka ganacsatada sida in loo ilaaliyo magaca hantidooda iyo in ay kaga qeyb gali karaan qandaraasyada Puntland , Wasiirka ayaa xusay in Wasaaradda ay muhiim siin doonto qofkasta oo cashuur bixiye ah.

Saraakiisha Wasaaradda ayaa soo bandhigay soo jeedimo ku saabsan habka casriga ah ee qaadashada numberka cashuur bixiyaha


Puntlandes.com

About The Author