War Deg Deg ah: Xildhibaan katirsan baarlamanka Somalia oo goor dhaw Muqdisho lagu dilay

War deg deg ah oo naga soo gaaraya magaalo madaxda Somalia ee Muqdisho ayaa sheegaya in Xildhibaan C/laahi Qayaad ay kooxo watay gaari nooca raaxada ah ay ku dileen isgoyska ceel gaabta ee degmada Xamar jajab xili uu ku sii jeeday Xarunta baalamaanka Somalia oo ay maanta xildhibaanadu codka kalsoonida ugu qaadayan xukuumada raysulwasare Cumar cabdirashiid,sida ay sheegayaan goob joogayaal ku sugnaa halka uu dilku kadhacay kooxaha hubaysan ayaa watay gaari waxayna daba socdeen xildhibaanka ilaa ay ugu danbayntii gaarigiisa gaariga la simeen oo xabad ooda uga qaadeen.

Dablaydaan Huabaysan oo aan la garanayn haybtooda ayaa kabaxsaday goobta uu dilku ka dhacay isla markiiba, waxaana goobta gaaray dhacdada kadib ciidamo badan oo Dawlada Somalia ka tirsan isaguna jira Boolis iyo Nabad sugid.

Allaha u naxriistee Xildhibaan C/laahi qayaad ayaa noqonaya xildhibaankii ugu horeeyay ee ladilo sanadka cusub ee 2015, walow ay jireen tiro xildhibaano ah oo la khaarajiyay sanadkii horre.

xafiiska Wararka puntlandes.com- Mogadisho

About The Author