War Deg Deg ah: Xildhibaanda barlamaanka Somaliya oo codka kalsoonida Siiyay xukuumada cusub ee Raysulwasare Cumar cabdirashiid

War deg deh oo haatan naga soo gaaraya xarunta gollaha shacabka ayaa sheegaya in codka kalsoonida looqaaday xukuumada cusub ee uu hogaaminayo raysulwasaare cumar cabdirashiid, codaynta ayaa waxay u dhacday qaab gacan taag ah oo saf saf loo tirinayay xubnaha baarlamaanka somaliya.

codaynta ayaa waxay u dhacday qaab u muuqatay in ay badiba xildhibaanada federaalka Somaliya taageersanayeen xukuumada cusub ee raysulwasaare cumar cabdirashiid, gudoomiyaha baarlamanka Somaaliya pro. jawaari oo ku dhawaqay natiijada kadib tirrintii codadka ayaa sheegay in kulanka maanta ay soo xaadirtay xildhibaano gaaraya 213 xildhibaan, waxaa xukuumada codka kalsoonida siiyay oo u codeeyay 191 xildhibaan halka ay kasoo horjeed sadeen ama aysan u codayn 22 xildhibaan.

sidaas waxaa wakhti dheer kadib ansax ku noqday xukuumada dhalinyarada ubadan ee raysulwasaare cumar cabdirashiid cali sharmaake ayadoo ay horyalaan caqabado badan oo u baahan in xal deg deg ah loo helo, ugu danbayn raysulwasaare cumar ayaa umahad celiyay xildhibaanda baarlamaanka somaaliya sida ay kalsoonida u siiyeen xukuumadiisa,Kulankii maanta ayaa ku soo dhamaaday jawi dagan waxana la arkayay xildhibaanada oo is gacan qaadaya .

xafiiska wararka puntlandes.com- Mogadisho

About The Author