DAAWO VIDEO: ABDIRAHMAN ABDISHAKUR ”FARMAAJO WUXUU KA SHAQAYNAYO NATIIJADEEDU WAA….”

05 Okt  2019 (Puntlandes) Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir Abdirahman Abdishakur ayaa yiri ”Anagu waxaan rabnaa in aan iyaga lala ceeboobin dalkana la badbaadiyo, maadaama caasimada ay tahay xaruntii dalka laakiin waxa ay iyagu ka shaqaynayaan ee ay ajnabiga u sheegaan, hadda nimanka dulmiga intaas le’eg sameeyey yaa subax walba ajeniba u dacwaado waan ognahay anaga, shalay dad Safiiro ka mid ah ayaan arkay ay leeyihiin nimankii waa is uruursanyaan qabiil bay isku ururrsanayaan ciidamay furimo kasoo bixinayaan dagaal bay qaadayaan waxan maqli jiray ”Carabi intay ku nabto ayey Nabiga kaaga hormartaa” ayagii ficilka xun ku dhaqaaqay yaa dadkii eed iyo dacwo ka horgaynaya, anaga ma rabno in wadankaan qabiil qabiil iyo deegaan deegaan la isku dagaalo laakiin Farmaajo wuxuu ka shaqaynayo natiijadeedu waa taas laakiin anagay tahay in aan ka ilbaxsanaano ka roonaano markay hoos u degaan kor u dagno…”

Puntlandes.com

About The Author