Xisbiga Himilo Qaran oo dacwad ka dhan ah Xukuumadda Federaalka u gudbiyay Maxkamadda sare

06 Okt  2019 (Puntlandes) Xisbiga Himilo Qaran ee uu musharaxa ka yahay Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta sheegay inay dacwad ka dhan ah Xukuumadda u gudbiyeen Maxkamadda sare ee dalka.

Shir jaraa’id oo uu goor dhow xarunta Xisbiga ku qabtay Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Himilo Qaran Senator Ilyaas Cali Xasan ayaa sheegay in gal dacwadeed ka dhan ah Xukuumadda ay u gudbiyeen Maxkamadda sare oo ku saabsan tallaabadii dhowaan lagu xayiray Sheekh Shariif, xilli uu ku sii jeeday Kismaayo.

Waxaa uu sheegay in tallaabadii lagu xayiray Sheekh Shariif ay aheyd mid sharci darro ah, sidaas darteed Maxkamadda sare ka gudbiyeen dacwad ka dhan ah Xukuumadda.

Tallaabadii todobaad ka hor lagu xayiray Madaxweynihii hore Sheekh Shariif ayaa ka dhalatay xaalad siyaasadeed oo keentay in Xisbiyada siyaasadda ay ku dhawaaqaan isbaheysi, kuna eedeeyaan dowladda Federaalka inay waddo qaldan ku wado dalka.

Puntlandes.com

About The Author