Deni oo maanta u safraya Kismayo

09 Okt  2019 (Puntlandes) Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sida qorshaysan maanta oo Arbaco ah u safraya magaalada Kismaayo halkaasi oo uu kaga qeyb-galayo caleema-saarka madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam.

Xubno ku sugan madaxtooyada Puntland ayaa warbaahinta u sheegay in madaxweyne Deni uu maanta u dhoofi doono magaalada Kismayo ee xarunta KMG ee Jubaland si uu uga qeyb-galo munaasabadda Caleema-saarka Axmed Madoobe oo la filayo in la qabto maalmaha soo socda.

Xafiiska madaxweyne Deni ayaa ka gaabsaday in ay faahfaahin ka bixiyaan sida uu ku tegi doono magaalada Kismaayo xilli ay Jubaland saarantahay xayiraad dhanka socdaalka ah oo ay ku soo rogtay xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale safarkiisa ayaa ku soo beegmay iyadoo uu xalay natiijo la’aan ku dhammaaday kulan dhexmaray madaxweyne deni iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda Federaalka Soomaaliya kuwaasi oo ka dalbaday in uu ka baaqdo caleema-saarka Axmed Madoobe islamarkaana la dhammeeyo khilaafka Puntland iyo Villa Somalia.

Puntlandes.com

About The Author