Sawirro: Shariif Sheekh, Mudane Xasan Sheekh iyo Xildhibaano si heer sare ah loogu dhaweeyey Kismayo

10 Okt  2019 (Puntlandes)  Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa galabta garoonka Diyaaradaha ee magaalada Kismayo kusoo dhaweeyay Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh iyo Xasan Sheekh.

Wafdiga madaxweynayaasha ayaa waxaa kale oo ku wehelinayay Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Federaalka ah iyo hogaamiyayaasha qaar kamid ah Xisbiyada dalka kuwaas oo ka qaybgalaya munaasabada Caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland.

Magaalada Kismayo ayaa waxaa sidoo kale saaka gaaray madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, waxaana horey ugu sugnaa madaxweynayaashii hore Galmudug iyo Koonfur Galbeed, Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.


Puntlandes.com

About The Author