Maxkamadda ICJ oo markii labaad dib u dhigtay dhageysiga Dacwadda badda

17 Okt  2019 (Puntlandes) Maxkamadda Caalamiga ee Caddaalada Adduunka ee ICJ ayaa markii labaad dib u dhigtay dhageysiga dacwadda Badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Qoraal uu bartiisa Facebook ku soo qoray Safiirka Soomaaliya u fadhiya Madowga Yurub Danjire Cali Fiqi ayuu ku sheegay in Maxkamadda ICJ ay dacwada dib u dhigtay illaa 8 bisha June ee sanadka 2020.

“Maxkamada ICJ waxay galabta go’aamisey in dhageysiga dacwada badda ee u dhaxeysa Somalia iyo Kenya laga dhigo June 8- 12, 2020. Iyadoo go’aankeeda ku cadeeysey inay fileyso in labada waddan u yimaadaan dhigeysiga maxkmada. Go’aankaana u yahay mid kama dambeys ah ee mar dambe dib loo dhigi doonin”ayuu yiri Danjire Cali Fiqi.

Maxkamadda ICJ ayaa horay dib ugu dhigtay dhageysiga dacwasa horaanta bisha November, taasoo aheyd codsi ka yimid dowladda Kenya, hase ahaatee waxaa horau jiray cadaadis ka imaanayay Kenya oo ahaa in sanad dib loo dhigo.

Wafdi ka socday dowladda Federaalka oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Mahdi Guuleed oo bishii hore tagay magaalada Hague ayaa la soo kulmay Madaxda Maxkamadda iyo wafdiga Kenya, iyagoo ka wada hadlay arrimaha dacwada labada dal iyo dalab kale oo ay waday Kenya oo ahaa in ilaa dhamaadka sanadka 2020 dib loo dhigo, hase ahaatee ay dowladda Federaalka ku gacan seyrtay.

Go’aanka Maxkamadda ICJ ay mar kale dib ugu dhigtay dhageysiga Dacwada Badda ayaa u muuqata mid ay madaxda dawladda Federaalku raali ka yihiin si ay guusha la filayo ugu soo aada waqti doorashadu ay soo dhawaatay si ay saamayn ugu yeelatro.

Puntlandes.com

About The Author