Xildhibaanada Golaha Shacabk oo kulankooda u horeeyay ku yeelanaya xarun cusub

19 Okt  2019 (Puntlandes) Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta yeelanaya kulankii u horeeyay ee kalfadhiga lixaad, kaddib markii 9-kii bishan uu si rasmi ah kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka u furay Madaxweyne Farmaajo.

Kulankan ayaa ka dhici doona Xarunta Villa Hargeysa ee xeyndaabka Madaxtooyada, maadaama xarunta Golaha Shacabka dhowaan dib loo dhisi doono.

Xarunta Villa Hargeysa oo horay u aheyd Hoy iyo Xafiisyada Guddoonka Golaha Shacabka ayaa dhowaan dib u dhis lagu sameeyay, iyadoo hool ay ku shiri karaan Xildhibaanada iyo xafiis loo qalabeeyay.

Kulamada ugu soo horeeya ayaa la filayaa in la horgeeyo mooshin iska soo horjeeda, sida mooshin laga diyaariyay Ciidamada Kenya iyo Mooshin kale oo laga keenay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed C/llaahi Salaad.

Puntlandes.com

About The Author