Madaxweynaha DFS oo shaaciyey in Caasimada maamulka Gobolada Dhaxe ay tahay Dhuusamareeb

Madaxweynaha Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta gaaray degmada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud ayaa waxa uu daboolka ka qaaday goorta uu furmi doono Shirka maamul u sameynta gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha oo halkaasi kula kulmay Siyaasiyiin, Odayaal, waxgarad, ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in Shirka uu si sax ah u furmi doono 1 da bisha maarso ee sanadkan.

Waxa uu sheegay in shirka uu ka furmi doono magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Ximan iyo Xeeb, wuxuuna ku baaqay in Odayaasha iyo Bulshada maamulka loo yagleeli doono ay noqdaan kuwa isku xiran.

Madaxweyne Xassan wuxuu sheegay in muddada ka dhiman la dhameystiri doono howlaha gudiga farsamada maamul u sameynta gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya,si ”loo mideeyo Galgaduud iyo Mudug”. Saraxaad dheeraad ah kama uusan bixin madaxweynuhu waxa uu ula jeedo midaynta labada Gobol? Wuxuusan kaloo sharxin waxa maamulka uu u samyanayo ma Ma koonfurta Mudug iyo Galgaduud baa mise?

Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa ku dhawaaqay in caasimada maamulkaasi ay tahay degmada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud halkaasina uu maamulka u shaqeyn doono.

Madaxweyne Xassa wuxuu sidoo kale maanta si rasmi ah u furay shirka wadatashiga ee u dhaxeeya beelaha wada daga deegaanada Galgaduud iyo Mudug kaasi oo maalmahaan ka socday degmada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud.

Puntlandes.com

About The Author