Yusuf Garaad oo sheegay in Ahlusunna garan waayeen tab ay libintooda uga dhigaan mid dadka degaanku uu leeyahay iyaguna horseed ka yihiin

Filed under: Wararka maanta |

03 Nov 2019 (Puntlandes) Wasiirkii hore ee Arimaha dibadda Soomaaliya Yusuf Garaad ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed Galmudug, gaar ahaan xiisada Ahlusunna iyo dowladda Federaalka ee iminka ka aloosan Galmudug.

Hoos ka akhriso qoraalka

Ahlu Sunna isfaham la’aan kala dhexeysay Federaalka oo aan hal Dowlad ku koobnayn ayaa wiiqday horumarka degaanka iyo Dowladnimada Galmudug.

Dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba waan kula kulmay Hoggaamiyayaashooda iyo soddomeeyada ugu sarreysa ASWJ keli ahaantay iyo marar aan mas’uuliyiin kale oo maslaxad daneynayay aan wada soconnay.

Ilaa Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha iyo Wasiir Juxa annaga oo wada soconna iyo annaga oo laba laba ama saddex saddex ahba wadahadal waan la¬†galnay, Madaxtooyada gudaheeda iyo dibaddeedaba, mararka qaar lagu gaaray saq Dhexe.

Halkaan ugama hadlayo ASWJ waxa ay qabteen ama ay mudan yihiin. Ugamana hadlayo dhaliilahooda.

Hadda isbeddel kasta oo degaankaas ka dhacaya laba ayaa aniga iigulu muhiimsan.

In aan dhiig ku daadan marka isbeddelku dhacayo iyo waliba ka dib isbeddelka dartiis.

Dhanaca kale, Ahlu Sunna cidina kuma wehlin ka saaridda degaanka iyo ka daafaca Shabaab. Iyagu garan waaye tab ay libintooda uga dhigaan mid dadka degaanku uu wada leeyahay iyaguna ay horseed ka yihiin.

Laakiin, Dowladda Federaalka oo hadda Galmudug toos ula wareegtay iyada ayay mas’uuliyaddu saaran tahay. Kama hadlayo doorasho iyo siyaasad. Waxaan ka hadlayaa amni iyo Daafaca degaanka. Yaan loo darsan Ahlu Sunna.

Puntlandes.com