Fariinta Dr Gaas ee madaxda DFS ”Shido cusub oo gacmahaaga ku falkiso, adiga dib kugu soo laabaneysaa”

11 Nov 2019 (Puntlandes) Madaxweynihii hore ee Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, isla markaasna ahaa Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa nasiib daro ku tilmaamay sida loola dhaqmay madaxweynayaashii hore ee soo maray dalka, isagoo ugu baaqay dowladda inay dejiso xiisadaha siyaasadeed.

Isagoo la hadlayay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayuu sheegay in Madaxdii hore ee dalka soo xukumay ay mudan yihiin in la ixtiraamo.

Dr Gaas ayaa yiri “Waa ka xumahay runtii waxa dhacay, horayna u dhacay, maantana dhacay waa nasiib darro, Madaxweynayaasha dalka ayay soo xukumeen, in la ixtiraamo ayay mudan yihiin qof kasta oo soomaali ka mudan yihiin, waqti adag bey wadankaan u soo shaqeeyeen oo Madaxweynayaal u soo ahaayeen”

Mr Gaas ayaa talo ahaan ugu soo jeediyay Madaxweyne Farmaajo in haddii dalka shido kajirto loo baahan yahay in shidada la yareeyo, haddii ay yar tahayna la baabi’iyo, balse shido gacamahaaga ku abuurtay haddii ay tahay inay kugu soo laabaneyso.

Dr Gaas ayaa yiri “Sideedaba haddii aniga siyaasadda wax un ka bartay Soomaaliya, waxa weeye wadanka haddii ay shido jirto, shidada jirto waa la yeeraa, haddii ay badan tahay waa la yareeyaa, haddii ay yar tahay waa la baaba’iyaa, laakiin maalin walba shido cusub la abuuro oo aan horay u jirin oo gacmahaga ku falkisaa adiga ayay dib kugu soo laabaneysaa dhib ayay keeneysaa dalka u keeneysaa, maamulkaagana u keeneysaa”

Hadalka Dr Gaas ayaa ku soo aadaya, xilli shalay saacado lagu xanibay garoonka diyaaradaha Muqdisho wafdi ay hoggaaminayeen Madaxweynayaashii hore oo ku sii jeeday Beledweyne, waxaana markii ay dib ugu soo laabteen Muqdisho, shir jaraa’id uu qabtay Sheekh Shariif ku hanjabay in haddii ay dowladda joojin weydo dulimiga ay wado ay dalka uga saarayaan sidii Al-Shabaab, Ciidamada Itoobiya iyo hoggaamiye kooxeedyadii uga saareen, iyadoo dowladda Federaalka oo hadalkaas ka jawaabtay ugu baaqday Sheekh Shariif inuu sharciga ilaaliyo.


Puntlandes.com

About The Author