Dhagayso Siyaasi Faarax Cali Shire oo baaq kasoo saaray xiisada Bosaso ka oogan

Siyaasi Faarax Cali Shire oo horey u soo noqday Wasiirka Maaliyada ee Puntland, sidaas oo kalena ka mid ahaa musharaxiintii doorashadii dhacday bilowgii sannadkan, ayaa baaq nabadeed ka soo saaray xiisada ka oogan magaalada Boosaso, wuxuuna cambaareeyey talaabo kasta oo la doonayo in dagaalo looga rido deegaanada Puntland, gaar ahaana gobalka Bari.

Wareysi uu siiyey Radio Daljir oo ah idaacad maxali ah oo kutaala Puntland ayuu ku sheegay in uu aad uga xun yahay ficilada kasocda gudaha magaalada Bosaso, wuxuu ugu yeeray dadku in ay ilaaliyaan nidaamka iyo dawladnimada, loona baahan yahay in wax kasta laga hormariyo sidii wadajir bulshada loo dhawri lahaa.

Faarax ayaa sheegay in aysan aheyn wax wanaagsan sida ay dawladdu u maareysay dhacdooyinkan, isagoo sheegay in looga baahan yahay dawladda in ay la timaado samir iyo dulqaad badan, taasna ay tahay oo kaliya dhabaha lagu gaari karro horumar wanaagsan.

Wasiirkii hore Maaliyada ayaa sheegay in uu la xariiray Odayaasha dhaqanka ee magaalada Bosaso oo uu kala hadlay sidii ay u damin lahaayeen xiisadahan, isagoo cadeeyey in ay waajib tahay in la aqbalo dawladnimada iyo dadaalada muhiimka ah.

Sida ay xaaladda Puntland ku socoto ayuu ka deyriyey, wuxuu sheegay in aysan aheyn wax si sahlan loo qaadan karro oo aysan dadku fududeysan dhiilooyinka taagan oo ay kamid tahay dhacdadii Garoowe iyo mida hadda wali ka taagan magaalada Bosaso.

Daganaansho la’aan siyaasadeed ayuu sheegay in ay ka muuqato gudaha dalka, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in wada hadal ay iskugu yimaadaan Odayaasha, Isimadda, Siyaasiin iyo dawladda oo tabashada la xaliyo, maadaama dadka oo dhan ay tuhun weyn qabaan.

Qabaa’ilo, kooxo is wata iyo wuxu ugu yeeray Groupyo is wata ayuu sheegay in ay tahay walaac weyn oo la qabo hadda, wuxuuna sheegay in ay muuqato in laga sii gudbayo nidaamkii dawladnimada oo ay kooxo iyo waxyaabo kale dadkuba ka hadlayaan.


Puntlandes.com

About The Author