Almaas Elman oo xarunta XALANE lagu dhex dilay

20 Nov 2019 (Puntlandes) Almaas Elman Cali Axmed ayaa lagu edhex dilay gudaha xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, sida la sheegay waxaa ku dhacay xabad aan caddeyn cida ka dambaysay.

Almaas Elman ayaa hadda ka mid ahayd hay’adda uu aasaasay Aabaheed oo caan ku ahaa ka Shaqeynta Nabada isagana hore loogu diley magaalada Muqdisho sanadkii 1996dii. Almaas waxay aheyd diblumaasi hore.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dilka Almaas Elman,waxana wararka qaar ay sheegayaan in Gaari ay wadatay xabad lagu riday ay ku dhacday,kadib dhaawac soo gaarey ay ugu geeriytootay isbitaal ku yaalla Gudaha xerada.

Almaas Elman ayaa waxaa ay Walaalo ahaayeen gabadha Soomaaliyeed ee u tartamaysa billadda Nabadda ee Ilwaad Elman oo si weyn looga yaqaano Caalamka,waxaana weli la ogeyn cida ka dambeysa dilkaas.

Puntlandes.com

About The Author