Canada: Wasiir Axmed Xuseen oo loo magacaabay xil cusub

21 Nov 2019 (Puntlandes) Axmed Xuseen oo ah Soomaali Canadian ayaa waxaa uu mar kale ka soo dhexmuuqday Golah Wasiirada dalka Canada ee uu shaaciyay Ra’iisal Wasaaraha Canada Justin Trudeau.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa shaaciyay liiska 36 Wasiir oo 18 ka mid ah ay haween yihiin, waxaana uu isbeddel dhinaca wasaaradaha ah ku sameeyay qaar ka mid ah wasiiradii ku jiray golihii hore.

Axmed Xuseen oo ahaa Wasiirka Socdaalka iyo Soo Galootiga ee Canada ayaa hadda laga dhigay Wasiirka Arrimaha Qoyska iyo Dhallinyarada Iyo Horumarinta Bulshada, waxaana uu ka mid yahay tiro wasiirro ah oo dowladdii hore ku jiray islamarkaana nasiib u yeeshay in ay soo laabtaan.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Canada Chrystia Freeland, ayaa laga dhigay Ra’isalwasaare Ku-xigeen iyo wasiirka isku xirka gobollada Canada.


Puntlandes.com

About The Author