Maxamuud Sayid Aadan oo ku eedeeyey inay DFS dastuurgabin ka wado gobolka Gedo

23 Nov 2019 (Puntlandes) Madaxweyne kuxigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka inay faragelin qaawan ka wado gobolka Gedo oo hoos-taga maamulka Jubaland.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa ka hadlay Maamulo sheegay inay si toos ah u hoos-tagaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka, gaar ahaan Maamulka degmada Luuq oo war ka soo baxay ku sheegay in aanay aqoonsaneyn Jubbaland.

Waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay qaadatay nidaam federaal ah, isla markaana maamulada degmooyinka ay ku yimaadaan magacaabida dowlad goboleedyada, isagoo xusay in arrintaas ay tahay nidama dastuuri ah.

“Maamulada degmooyinka waxa weeyaan dowlad Goboleedyada ayaa is ka leh oo soo magacaabaya, waana nidaam dastuuri ah, degmo warbixin siin karta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ma jirto, haddii ay dhacdana waa Soomaaliya oo Federaalka ka noqotay oo dowlad dhexe noqotay”ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.

Waxaa uu sheegay in maamulkii la shaqeeya dowladda Federaalka ay magacaabi doonaan Maamul kale oo bedeli doona sida uu hadalla u dhigay.

“Maamulkii shalay aan anaga siinay waajibaadka oo nala shaqeynaya, haddii maanta rabo inuu shaqo ka doonto dowladda Federaalka, mid kale ayaa magacaabeynaa oo deegaanka u shaqeynaya”ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.

Maamulada degmooyinka Luuq, Doolow iyo Beledxaawo ayaa la sheegay inuu ka socdo abaabulo la doonayo in looga furo Jubbaland, isla markaana ay toos u hoos-tagaan dowladda Federaalka, iyadoo tallaabadan qeyb ka tahay cadaadiska lagu haayo Maamulka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe, kaasoo dhowaan dowladda Federaalka sheegtay in aanay aqoonsaneyn dib u doorashadiisa.

Puntlandes.com

About The Author