Daawo Video: Baarlamanka Puntland oo ansixiyay miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2020-ka

23 Nov 2019 (Puntlandes) Golaha Wakiilada dowladda Puntland, ayaa Sabtida maanta ah ansixiyay odoroska Miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2020-ka oo Khamiistii ay wasaaradda Maaliyaddu u gudbisay Baarlamanka.

Miisaaniyadda dowladda oo dhan $ $346,416,158.99 oo Dollar, ayaa Golaha Wasiirada Puntland ansixiyeen Arbacadii la soo dhaafay, kadib kulan aan caadi ahayn oo ay ku yeesheen xarunta wasaaradda Maaliyadda ee caasimadda Garoowe.

 


Puntlandes.com

About The Author