Wasiirka Amniga iyo Hey’addaha hoos-taga oo laga dalbaday inay horyimaadaan Baarlamaanka

25 Nov 2019 (Puntlandes) Wasiirka Amniga dawladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa looga yeeray inuu horyimaado Baarlamaanka, si wax looga weydiiyo arrimo la xiriira howlaha shaqo ee Wasaaraddiisa.

Qoraal ka soo baxay Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka C/kariin Xaaji Buux ayaa laga dalbaday Wasiir Islow Ducaale in maalinta berri oo taariikhdu tahay 26 November inuu Baarlamaanka horyimaado.

Sidoo kale Wasiirka ayaa laga dalbaday in isaga oo ay la socdaan Hey’addaha hoostaga wasaaraddiisa inay Baarlamaanka horyimaadaan, waxaana laga codsaday in balanka cusub uu soo ajiibo, kaddib markii shalay uu dib u dhac ku yimid balantii shalay.

Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka oo muddo xileedkiisa uga dhiman muddo sanad ah ayaa bilaabay la xisaabtanka Wasiirada Xukuumadda, iyadoo horay Baarlamaanka loogaga yeeray Wasiirka gaadiidka duulista oo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ay ka qoreen Mooshin lagu dalbanayo inuu hor-yimaado Baarlamaanka.

Puntlandes.com

About The Author