Sawirro: Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Turkiga oo Ankara ku kala saxiixday heshiis is-afgarad ah

27 Nov 2019 (Puntlandes) Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa maanta oo Arbaco ah wadahadal laba geesood ah kula yeeshay dhiggiisa Turkiga, Mudane Mevlüt Çavuşoğlu, Magaalada Ankara, iyagoo kala saxiixday heshiis sare u qaadaya iskaashiga iyo wax wadaagga labada wasaaradood.

Labada wasiir arrimo dibadeed ayaa ka wadahadlay xiriirka labo geesoodka iyo siyaabihii lagu xoojin lahaa wax u adeegaya dano wadaagga dhinacyada kala duwan leh.

Heshiiska is-afgaradka ay kala saxiixdeen labada wasiir ayaa waxa uu ku salaysan yahay iskaashiga tababarka diblomaasiyadeed, isdhaafsiga xogaha iyo dukumintiga ee Soomaaliya iyo Turkiga.

 


Puntlandes.com

About The Author