UN oo Abiy Ahmed ku eedeeyey inuu hurinayo xasillooni darada ka jirta Somalia & Suudaanta Koofureed

01 Dec 2019 (Puntlandes) Bilo kaddib markii uu Abaal marinta Nabadda ku guuleystay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed waxaa uu wajahayaa eedeymo la xiriira inuu faragelin ku haayo arrimaha gudaha dalalka deriska la ah Itoobiya.

Sida uu qoray Wargeyska Daily Nation oo ka soo baxa dalka Kenya, Bishii November labo warbixin oo Qaramada Midoobey ka soo baxday waxay ku eedeysay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya intii uu ahaa Guddoomiyaha Urur Goboleedka IGAD inuu ku guuldareystay in horumar laga sameeyo hannaanka nabadda ee Suudaanta Koofureed.

Sidoo kale waxaa Wargeysku sheegay inuu sii hurinayo xasillooni darada ka jirta Soomaaliya.

Eedeymaha uu wajahayo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa ku soo aaday, bilo kaddib markii uu ku guuleystay abaal marinta Caalamiga ee Nobel Peace Prize, oo uu ku muteystay dadaaladii uu ka waday Gobolka iyo is bedeladii uu la yimid, tan iyo markii uu qabtay xilka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.

Puntlandes.com

About The Author