Dhagayso Xisbiyada Somaliland oo lacag laga jaray

01 Dec 2019 (Puntlandes) Golaha wakiilada Somaliland ayaa saddexda xisbi siyaasadeed ee Somaliland ka jaray lacago  ay qaadan jireen bil walba, shalay ayey ansixiyey miisaaniyadda ee sanadka 2020-ka taas oo ay wax ka bedel ku sameeyeen.

Arintan ayaa waxay taabanaysaa labada Xisbi ee mucaadka ah iyadoo uu Xisbi walba ku wayn doono $6000 bishii, iyagoo halkii ay markii hore qaadan jireen $15000 ay iminka qaadan doonaan $9000 kaliya.

Dhaqaalaha laga jaray Xisbiyada ayaa ka dhigan 40%, iyadoo loo soo reebay 60% oo kaliya intii ay qaadan jireen, khuburada siyaasadda ka faaloota ayaa ku tilmaamay dharbaaxo xukuumada Muuse Biixi ku cadaadinayso labada Xisbi ee mucaaradka ah ee Wadani iyo Ucid.

Dhagayso warbin ay VOA ka diyaarisay

Puntlandes.com

About The Author