Baarlamaanka Puntland oo xasaanadii Xildhibaanimo ka qaaday gudoomiyihii hore

10 Dec 2019 (Puntlandes) Golaha Wakiillada ayaa waxaa maanta la hor keenay mooshiin xasaanad ka qaadis oo ay ku saxiixan yihiin 38 Mudane oo ka dhan ah Xildhibaan Cabdixakiim Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed) oo lagu soo eedeeyey in uu ku xadgudbay Dastuurka Dowladda Puntland.

Fadhiga oo ay soo xaadireen 40 mudane ayaa waxaa ay cod gacan taag 39 mudane xasaanaddii uga qaadeen xildhibaan hore Cabdixakiim Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed) halka Guddoomiayaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland uu ka aamusay.

Puntlandes.com

About The Author